Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu fashilmay shirkii Lagu go’aamin lahaa doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka
Afhayeenka Maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac “Quraan Jecel” oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gabi’aanba uu fashil kusoo dhamaaday shirkii madasha wada-tashiga qaran ee ka socday Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya,
Cabdullaahi Maxamed Jaamac “Quraan Jecel” waxa uu sheegay in xalka uu yahay in doorashada ka dhacaysa laga dhigo nidaamka 4.5 ayna Puntland mar walba ku taagan tahay mowqifkeeda ku aadan in doorashada laga dhigo nidaamka 4.5.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac “Quraan Jecel” waxa uu beeniyay in Madaxweynaha soomaliya uu ku qanciyay madaxweynaha Puntland in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigi nidaamka 4.5.
Shirka oo maanta la filayay in lasoo gaba-gabeeyo ayaa hakad ku jira waxaana haatan socda shirar gooni-gooni ah oo u dhaxeeya madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamulka Goboleedyada dalka soomaliya ka jira.

