Akhriso:-“Waa Yaabe Xasuuqa Maatida Miyay Xal moodday Kenya.”

0

Waa lama huraan in faallayn laga filo halka ay fartu ku foorarto,anna arin aan la fajacoo fikir I galisaan  farta ku fiiqi aansa socdoon warka furo.

Soomaaliya waaa dal  madaxbannaanidiisa dalnimo qaatay muddo ku dhaw 60-sano ka hor macnaha Madaxbanaanida ayaa ah in meesha laga saaro ku xadgudubka  sharafta iyo dadnimada dadka dalka iska leh.

Soomaaliya Muddo ku dhaw 26-sano waxaa ka maqan dowlad awood u leh in ay la xisaabtanto quwadaha ku xadgudba dadka Soomaliyeed iyo dalkooda,Caadiyan caalamka waa wax ka dhaca in dal uu dal kale ku xadgudbo qaabkay noqotaba,Soomaaliya ayaa waxyaabaha dowlad la’aantu dhaxalsiisay waxaa ka mid ah faragalin iyo xadgudubyo ay ku hayaan dalal taariiq ahaan Soomaaliya ay kaga horaysay madaxbanaanida iyo dowladnimada balse dayaca dalkeenna ka jira awgii intay inaga hormareen hadda ina hunguriyeynaya horayna Soomaalidu u tiri lax walba shillalkay is dhigtaa lagu feentaa oo haddaanan dowladnimadeenna soo ceshan waxaaba laga cabsi qabaa in ay ina adoonsadaan marka la eego damaca ay dalkeenna ka leeyihiin.

Kenya Waa dal daris la ah Soomaaliya Waxaa uu xuduud kala wadaagaa soomaaliya dhinaca Koonfurgalbeed,Darisnimada ka Sokoow Soomaalidu waxaa ay Kenya ku tabayaan in gumeystayaashii dalka haystay waa soomaaliyee ay gacanta u galiyeen dad iyo dhul Soomaaliyeed balse gumeystayaasha la’aantii aysan ka qaadan lahayn.

Marka la eego waxyaabaha Kale Kenya ayaa dhawr mar isku dayday in ay banneysato lahaanshaha badda Soomaaliya oo ay ku andacooneyso in ay leedahay Soomaaliduna ku doodayaan dhul badeed aysan lahyn sida ay sheegatay Xukuumadda Nairobi.

Iyadoo intaasi iyo inkaloo u qarsoonba ay jiraan ayaa waxaa dalka soomaaliya sannadkii 2011-kii bishii May  soo galay Ciidamo ka socda Kenya oo iyagu si aan sharci ahayn kusoo galay dhulka Soomaaliya kadib Markii Kenya ay sheegtay in ay ka hortagaeyso weerarro gudaha Soomaaliya ay ugasoo qaadaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyadoo ugu dambeyn Kenya ay si iskeed ah isugu dartay Ciidamada Afrikaanta ah ee qaybta ka howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya oo aysan markii hore ku jirin.

Ciidanka Kenyaatiga ah ayaa soomaaliya kasoo galay dhinaca gobolada Koonfureed,waxaana meelo ammaan ahaan dagganaa ay ka kiciyeen colaado dhinacyo badan ah oo ay ugu weyntahay iska horkeenidda qabaailada Soomaalida oo  hortood nabad ku wada daganaa.

Magaalooyinka ay soo galeen waxaa ay kala qaybiyeen qabiiladii daganaa dagaal ay ujeeddo ka lahayd Kenya ayey ciidamadeedu ka dhax abuureen Soomaalida iyagoo ugu dambeyn dhinac la saftay si ay u helaan cid ka dhigaan in ay raali ka tahay soo galiddooda ciidda Soomaaliya.

Dagaalada ay ku lug lahaayeen Ciidanka Kenya ee ka dhacay Soomaaliya soo galidooda kadib waxaa ka mid ah kii dhacay Magaalada Kismaayo ee u dhexeeyey Maamulka Axmed Madoobe ee jubba iyo Ciidamo dowladda ka tirsanaa oo uu hogaaminayey Korneyl Barre hiiraale oo Ciidanka Kenya ay gacansiiyeen Ciidanka Axmed madoobe oo ugu dambeyn ay u suuragashay in la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Kismaayo waxaana Kenya halkaa ay ka heshay Fursad ay ku maamulato dekadda Kismaayo oo uu daqli badan kasoo xaroodo.

Tallaabada Ciidanka Kenya ay kusoo galeen Soomaaliya maysan noqon mid Kenya ay ka gaarto u jeedkii ay ka lahayd dalkeenna Soomaaliya waxaa sii kordhay weeraradii ay sheegtay in iska difaacayso oo  gudaha Soomaaliya ay kaga hortageyso in dalkeeda la weeraro waxaa dhacay weerarro xoog badan oo saameeyey meelo muhiim ah oo Kenya lacago malaayiin dollar ay uga tashanjirtay sida meelaha dalxiiska oo weerarada Shabaabka oo ku batay awgood u xirmay hadda,sidoo kale meelaha la weerary Waxaa ka mid ah weerarkii lagu qaaday xarunta Westigeed mool oo meel ganacsi,Weerarkii ka dhacay jaamacadda gaarisa oo dad badan ay ku dhinteen,Kii ka dhacay bishaan deegaanka ceel-cadde iyo Waliba Weerarro kale oo saameyn ku yeeshay Kenya.

Weeraradaasi Waxaa geystay dhammaantood Xarakada Al-shabaab oo iyagu si cad u sheegay in ay Kenya dagaal kula jiraan,weerardaas ka dib Kenya waxaa ay xoojisay tacadiyadii ay ku haysay Soomaalida gaar ahaan Maatida aan waxba galabsan.

Ciidanka Kenya ee Soo galay Soomaaliya  ayaa si barer ah waxay u dileen dad birima geedda ah oo u badan Haween,Caruur iyo Waliba dad waayeel ah oon ku lug lahayn weerarada ka dhanka ah waxaana .

Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Kenya ayaa waxaa ay duqeyn aan loo meeldayin ay si joogto ah ugu geystaan goobaha ay ku badanyihiin dadka shacabka ah,Waxaa xasuuq wadareed ay u geysteen dad reer mii ah oo iyaga iyo xoolohooda loo laayay si ka baxsan bini-aadamnimada iyadoo Kenya ay ku andacooneyso in dadkaasi goobaha ay dagganyihiin ay ku tuhmayso Shabaabka dalkeeda dharaarta cad weerarada ka fuliya.

Waxyaabaha naxdinta leh ayaa ah in duqeynta diyaaradaha Kenyaatigu ay fuliyaan ay waxyeello kasoo gaarto dad reer mii ah oo la taacalaya nolosha adag ee haysata,haween isugu jira Xaamilo iyo umulo weeradaasina waxaa ay yihiin kuwa maanta haddaysan dhicin maalinka xiga dhaca iyadoo xitaa wax dagaal ah uusan dhicin waxaana inta badan weeraradu ay ka dhacaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo gaar ahaan  goobo ay daganyihiin oo kaliya dad shacab

Kabasii darane markii ay duqeeyaan dad maati ah waxaa ay ku faanaan in ay dileen waxa ay ugu yeeraan mintidiiin maadaama ay u barteen intay xasuuq geystaan in aan loosoo raacaan oo aan lala xisaabtamin waa yaabe ma xasuuq maatiday xal moodday Kenya.

Madaxda Dowladda hadda jirta ayaad mooddaa mararka qaar in ay maqsuud ka yihiin xasuuqa xad dhaafka ah ee Kenya ay u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed wali maysan dhicin in masuul dowladda ka tirsan uu si qota dheer uga hadlo xasuuqa Kenya ay ku hayso muwaadiniinta soomalida ee dulmanayaasha ah,warkooda ayaana kusoo koobma cambaareyn aysan cidna ka dhageysan oo xasuuqii ayaaba sii xoogeysta Marka laga reebo Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay Muddo badan xasuuqaas kadib u yeeray Xukuumadda Soomaaliya si ay wax uga weydiiyaan Duqeymahaasi sidaa oo ay tahayna wali waxaa meesha ka maqan doorkii Dowladnimo eek u aaddanaa arinkaan,yaa u maqan dulmanayaasha sida xaq-darada ah xaqa iyo xurmadooda loogu xadgudbay dhiiggoodana la bannaystay,aaway dowladdii matalaysay ee dartood u dhaaratay,Kenya qorshaheedu ma dabar jaridda Soomaalidaa Su’aalahaa iyo kuwa kale ayaa ka guuxaya maskaxdeyda oon marar badan isweydiiyey.

15-kii Bishan January Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka ceelcadde ee gobolka Gedo Saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya oo qasaare badan uu kasoo gaaray Kenya, Ciidamo farabadan ayaa uga dhintay gaadiid iyo agabyo milatarina waay la wreegeen shabaabkii weerarka fuliyey,Kenya Weerarkaasi waxaa ay uga jawaabtay duqeyn isdabajoog ah oo muddo ka badan isbuucyo ay ku wadday deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta soomaaliya oo ay daganaayeen dad rayid ah halkaasi oo uu qasaare xoog leh kasoo gaaray dad maati ah oo iyagu u muuqda in looga aargudanayo weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde islamarkaana ay waxyeelada qofeed ka sokoow ay xoolohoodii ku le’deen.

Weerarka deegaanka Ceel-cadde ka dhacay waxaa uu sababay in  Kenya ay keento qorshe cusub oo u muuqda mid ay dooneyso in ay kusii joogteyso xasuuqa shacabka Soomaaliyeed oo waxaa ay sheegtay in weerarkaas ay ku lug lahayd Beesha Mareexaan oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga deegaankaasi sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhura Kenyatta waana hadal ka yaabiyey dad badan oo soomaaliyeed,mana ahan wax lalasii fajaco oo waa arin si qeexan loogu banneysanayo laynta maatida.

Duqeynta Kenya Waxaa ku nafwaayey Boqolaal qof oo muwaadiniin soomaaliyeed ah kuwaasi oo lagu duqeeyey goobihii ay daganaayeen halka ay ku barakaceen kumanaan qof oo reer mii ah oo si bareer ah loogu xadgudbay,waxaa kaloo arin murug leh sii ah in dadkii dhaawacmay aysan helin daryeel caafimaad maadaama dowladoodii iska daaye in gargaar caafimaad ay u fidisee waxaaba laga haynin in ay kula xisaabtanto kenyatiga xasuuqa xaqdarada ah ee ay ku hayso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dulmanayaasha Soomaalida ah ayaa iyagu niyadda ku haya in mar un ay ka xoroobidoonaan xayndaabka xasuuqa Kenya sida ku qaadataba.

Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la gudboon in arintan ay Kenya kala hadasho si markaasi looga baaqsado sii socoshada xasuuqa Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool koonfurta Soomaaliya,in dowladdu ay sameyso guddi soo baaro xasuuqa dhacay si shacabka dulman ay caddaalad u helaan,Soomaalaay adinkuna is garabsadoo u istaaga ilaalinta,Sharaftiinna,dadnimadiinna iyo midnimadiinna si si meesha ay uga baxdo damaca danaysi doonka ah ee shisheeyaha soo xadgudbaya.

Dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa ujeedka duqeynta Kenya ay kasameeyeen halhays ah Kenya Darajo damiirkeennu diiday doonnaysaa anna Waxaan ku biirin oo faalladeyda aan kusooo gunaanadayaa Waa Yaabe Xasuuqa Maatida May Xal moodday Kenya.

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here