Warar hoose oo idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso ilo wareedyo ka akdhaw shirka ka furan Muqdisho ee looga hadlayo doorashada dalka iyo nuuca ay noqon doonto ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta beesha caalamka ay haatan dooneyso in lagu soo dhiso dowladda Soo socoto awood qeybsiga 4.5-ta.
Mas’uuliyiinta beesha caalamka oo kulamo gaar gaar ah la qaaday madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyadabu ayaa waxa ay wararku hadda sheegayaan in beesha caalamku sheegtay in aysan suura gal aheyn in dowladda soo socoto lagu soo dhiso awood qeybsi deegaameesi.
Sidoo kale wararkaani Hoose ayaa tilmaamaya in madaxda dalka ay beesha caalamku u sheegeen in soomaaliya aysan waqtigaani u diyaar saneen doorasho deegaan sidaa awgeedne loo baahan yahay in dowladda xigta midda la dhisayo wixii ka dambeeyo la qorsheeyo qorshahaani.
Beesha caalamka ayaa dhankeeda sheegtay in maamulka Soomaaliland oo talo ahaan wax la leh doorashada Soomaaliya in aysan ku jirin hadii la yiraahdane doorashada dalka halaga dhigo mid deegaan in ay caqabad ka imaan karto mustaqbalka maadaama deegaanada maamulkaasi ay kamid yihiin Soomaaliya inteeda kale.

