Xarakada al-shabaab ee soomaliya ayaa markii ugu horeysay ka Hadashay weerarkii dhawaan Lagu qaaday Hoteel ku yaala xeebta Liido ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, iyo saldhig ay ciidamada kenya ku la haayeen deeganka ceel-cadde,
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee al-shabaab Shiikh Cali Maxamed Xuseen (Sh. Cali Jabal) oo wareysi siiyey Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa ugu horeyntii ka hadlay weerarkii ay ciidamada al-shabaab ay ku qaadeen deeganka ceel-cadde isagoo tilmaamay in al-shabaab ay dagaalkaas ku dileen tiro badan oo ka tirsan askarta Kenya.
Shiikh Cali Maxamed Xuseen waxa uu Tilmaamay in ay mar kale weerari doonaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom kadib weerarkii deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Banaadir,
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee al-shabaab Shiikh Cali Maxamaad Xuseen (Sh. Cali Jabal) waxa uu ka hadlay weerarkii ay dhawaan al-shabaab ay ku qaadeen hoteel ku yaal xeebta Liido ee degmada C/casiis isagoona tilmaamay in weerarkaas lagu dilay Mas’uul ka Tirsan dowlada soomaliya, aysan dad shacab ah ku dilin.
Waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku qaadayaan goobaha Hoteelada iyo maqaayada oo uu sheegay in ay isugu Yimaadaan ma’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya iyo dad Taageera dowlada soomaliya,
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee al-shabaab Shiikh Cali Maxamad Xuseen (Sh. Cali Jabal) ayaa imaanaya xili sanadkaan cusub ee 2016-ka ay al-shabaab weerar ku qaadeen deeganka ceel-cadde ee Gobolka gedo, iyo Hoteel ku yaala xeebta Liido ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir,

