Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya mudane xasan sheikh maxamuud ayaa gaaray dalka cumaan isagoona halkaasi kulamo ku laleh madaxda sarsare ee dalka cumaan, madax iyo wakiilo ka kala socda qaaradaha afrika , asia, iyo qaadarada yurub .
madaxda ayaa dhamaan halkaasi u gaaray shir looga hadlayo ka hortaga iyo la dagaalanka argagaxisada oo maanta ka furmay dalka cumaan.
Shirkaan oo ka furmay magaalada dakkeda leh ee Aqaba oo kutaalo koonfurta badacas ee dalka cumaan. ayaa loogu hadli doonaa arimo badan,
waxaa dalalka afrika uga qeyb galaya shirkaan soomaaliya oo uu u matalayo xasan sheikh maxamud, jabuuti oo uu u matalayo madaxweyne ismaaciil cumar geelle , Ethiopia oo uu u matalaya raisul wasaaraha dalkaasi xeela maryan dasiliin , masar oo uu u matalayo Wasiirka arrimaha dibada saamix shukri iyo tanzaniya oo uu u matalayo shirka Wasiirka arrimaha dibada waxaana dhamaan ay gaareen dalka cumaan.
Waxaa kaloo kulanka qeyb ka ah saraakiil ka socda dalalka Kenya iyo Uganda oo iyagana ka qeyb galaya shirkaan sare ee cumaan ka furmay.
Boqorka dalka cumaan cabdallaha labaad ayaa sheegay in shirkaan uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo dalkiisa kaasi oo diiradda lagu saarayo ka hortaga iyo la dagaalanka ururada xagjirka ah .
Mareykanka iyo Canada wakiilo sare oo matalaya ayaa iyagana waxaa ay ka qeyb qaadanayaan shirkaan looga hadlaayo ka hortaga weerarada argagaxiso ee cumaan ka furmay.
Madaxweyne xasan sheikh ayaa la filayaa in marka uu soo idlaado shirkaan uu kulamo gaar gaar ah la yeeshto madaxda sar sare ee qeybta ka ah kulanka ka socda cumaan.

