Manchester United oo Shaacisay in Qaliin Lagu sameyn doono Xidiga Ashley Young

0

Kooxda Manchester United ayaa xaqiijisay in xidiga Ashley Young u baahan yahay in lagu sameeyo qaliin dhanka Gumaarka ah kadib markii si dhaawac ahaan loogu saaray kulankii ay la ciyaareen kooxda Liverpool.

30-jirkaan ayaa xili ciyaareedkaan kooxda Manchester United kasoo muuqday 23-kulan laakin waxaa si dhaawac ahaan loogu saaray ciyaartiii ay Todobaadkii Hore ka adkaadeen kooxda  Liverpool,

Naadiga Manchester United ayaa aaminsan in la weyn doono adeega xidigan Mudo aad u Fog madaama qaliin lagu sameyn doono wuxuuna ku biirayaa liiska dhaawacyada kooxda sida Antonio Valencia, Luke Shaw, Marcos Rojo iyo Phil Jones xili ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Southampton

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here