Kadib Markii weerar qasare badan dhaliyey xalay dagaalyahanno ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa Saaka ilaa Maanta Lagu waramayaa in Maydad hor leh laga helay goobihii xalay weerarku ka dhaceen.
Dhinaca kale waxaa isasoo taraya dadka ku geeriyooday Weerarkii xalay Waxaa la xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan 2-gabdhood iyo wiil wada dhashay kuwaasi oo halkaasi kaga qaybgalayey aroos waxaana sidoo kale isla goobtaas ku geeriyootay Aroosaddii arooskeedu uu dhacayey,Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Gamudug oo lagu Magacaabo Bile Maxamuud Shidane ayaa isna la sheegay inuu halkaasi ku dhintay,Sidoo kale dadka geeriyooday waxaa ku jira Macalin wax ka dhigayey Jaamacadda Soomaaliya oo lagu magacabi jiray Cumar Colaad.
Hadda Wararka ka imaanaya goobihii wax ka dhaceen xalay ayaa sheegaya in xaalku uu daganyahay islamarkaana la dareemayo saameynta ka dhalatay weeraradii xalay halkaasi lagu qaaday,gaadiid,Darbi iyo waxyaabo kale oo ku burburay weeraradii dhacayey ayaad ku arkaysaa halkaasi.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobaha ay wax ka dhaceen iyadoona wali aysan dadku ku ahayn goobtaas sidii maantoo kale oo jimca ah ay ku ahaanjireen oo dhallinyaro badani ay tagi jireen.

