Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Warbaahinta Shir jaraaid ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey tirada dadkii ku waxyeeloobay Weeraradii Xalay ka dhacay muqdisho ee la gaarsiiyey Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Waxaa uu Dr-ku Sheegay in Isbitaalka la Keenay dad gaaraya ku dhawaad 12-ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan isagoona intaa ku daray in Isbitaalka gudihiisa ay ku geeriyoodeen dad ka mid ahaa dhaawacyadii la keenay siduu sheegay.
Agaasimagha Isbitaal Madiina ayaa sheegay in gurmad kala duwan ay u fidiyeen dadka waxyeeladu ay kasoo gaartay weerarkii xalay dhacay ee la geeyey isbitaalka Madiina ee ku yaalla Magaalada Muqdisho,dhaawacyada qaar ayaa qaba dhaawac daran walina ay la tacaalayaan xaaladdooda caafimaad halka kuwa kalena ay qabaan dhaawacyo aan sidaa u darneyn dhammaantoodna si isku nmid ah ay u helaan dawooyinka iyo adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.
Dhinaca Kale Wariye Cabdullaahi Xambali Sheekh Axmed oo Ka Tirsan Radio Simba oo gaaray Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdsiho oo lasoo kulmay qaar ka mida ah dadka dhaawaca ah ee halkaasi jiifa ee lagu dabiibayo ayaa sheegay inuu soo arkay dad qaba dhaawacyo halis ah oo dhaqaatiirtu ay la tacaalayso isagoona Wareeysiyo la yeeshay dad badan oo dhaawac ah.
Halkaan ka dhageyso Codadka Agaasimaha Isbitaalka iyo waliba Bukaanada dhaawaca ah.

