RW Cumar “Xukuumaddu way ka Xuntahay Weerarkii Ka dhacay Xeebta Liido ee Muqdisho”

0

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iizalwasaaraha Dalka Soomaaliya oo War qoraal ah oo kooban Soo galiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa waxaa uu kaga hadlay qoraalkaasi weeraradii Xalay Dagaalyahanada Al-shabaab ay ka fuliyeen Maqaaxiyaha ku yaalla Xeebta liido ee degmada C/Casiis.

Cumar C/rashiid Waxaa uu Sheegay in falkaasi ay geysteen Al-shabaab uu yahay Fal aan wanaagsaneyn sida uu yiri oo laga naxo waxaana uu sheegay in Xukuumadda uu madaxda ka yahay ay cambaareyneyso cidda ka dambeysa weerarkaasi oo uu sheegay inuu ahaa mid qasaaraha ugu badan ee ka dhashay uu saameeyey dad rayid ah oo ku sugnaa goobaha weeraradu ay ka dhaceen ee Xeebta liido.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay sameeyeen tilaabo wanaagsan oo ku aaddan badbaadinta dadkii ku jiray xarumaha la weeraray oo sida uu yiri haddaysan ciidanku ka gaari lahayn ay suuragal ahaan lahayd in halkaasi ay ku waxyeeloobaan qasaaruhuna sii bato.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa looga bartay Markii wax dhacaan in ay Cambaareeyaan kuna hanjabaan in ay tallaabo ka qaadayaan fal geystayaasha oo  lasoo qabanyo balse maalmo ka dib waa lagasii socdaa siday aaminsanyihiin Soomaali badan.

Xarakada Al-shabaab waxaa ay horay usoo saartay digniin ah in goobaha ay yimaadaan Madaxda Dowladda oo ay ka mid tahay Xeebta Liido ay weeraridoonaa,waxaana shabaabku dhawr weerar ay ka geysteen Xarumo mihiim ah oo dowladdu maamusho oo ay ka mid yihiin Mdaxtooyada,Xarunta Baarlamaanka,Maxkamadda  iyo Waliba Meelo kale.

Weerarkii Xalay dhacay Waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 20-ruux oo ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen halka ay ku dhaawacmeen 30-kale.,Waxaana hadda dadka dhaawaca ah xaaladdooda caafimaad lagu dabiibaya Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here