Dhageyso: Madaxweyne Gaas oo ka Hadlaya doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas oo la Hadlay idaacadda Voa-da ayaa sheegay in dhawaan ay imaan doonaan Magaalada Muqdisho si ay ugu qeyb galaan shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,

Madaxweyne Gaas waxa uu beeniyay in uu Fashil kusoo dhamaaday shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose isagoona Tilmaamay in madaxda dowlada soomaliya ay isku af-garteen in Magaalada Muqdisho la iskugu imaado si loo Go’aamiyo doorashada,

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas waxa uu si kulul  u beeniyay  in Puntland ay ogolaatay in aqalka Hoose ee Baarlamanka lagu soo dhiso Nidaamka heerka 4.5,

Wali waxaa shaki Galinayaa Halka sida Rasmiga ah loogu qaban doono shirka doorashada Lagu go’aamin doono iyadoo sidoo kale ay soo baxayaan wararka sheegaya in shirka Lagu qaban doono Magalada Baydhabo ee Gobolka Bay,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here