Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa su’aalo weydiiyay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Kenya kadib weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Saraakiisha uu su’aalaha weydiiyay Madaxweynaha Kenya waxaa kamid ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Kenya Samson Mwatheth iyo saraakiisha Ciidamada Badda iyo Cirka ee ciidanka Kenya kuwaaasi uu wax ka weydiiyay sababta ciidamada Kenya loogu dilay Tiro intaas la ek. kadib weerarkii Ceel-cadde.
Su’aalo weydiinta Kadib Madaxweynaha Kenya oo kasoo Hor muuqday Telefishinka qaranka Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka aar gudsan doonaan ciidamada al-shabaab kadib weerarkii qasaaraha badnaa ee ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Dowlada Kenya ayaan wali soo Bandhigin Tirada rasmiga ah ee kaga dhimatay weerarkii ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya,

