Madaxweynaha Kenya oo Su’aalo Weydiiyay Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Kenya

0

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa  su’aalo weydiiyay  qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Kenya kadib weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,

Saraakiisha uu su’aalaha weydiiyay Madaxweynaha Kenya waxaa kamid ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Kenya Samson Mwatheth iyo saraakiisha Ciidamada Badda iyo Cirka ee ciidanka Kenya kuwaaasi uu wax ka weydiiyay sababta ciidamada Kenya loogu dilay Tiro intaas la ek. kadib weerarkii Ceel-cadde.

Su’aalo weydiinta Kadib Madaxweynaha Kenya oo kasoo Hor muuqday Telefishinka qaranka Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka aar gudsan doonaan ciidamada al-shabaab  kadib weerarkii qasaaraha badnaa ee ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,

Dowlada Kenya ayaan wali soo Bandhigin Tirada rasmiga ah ee kaga dhimatay weerarkii ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here