Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Pro: Maxamed sheikh Jawaari iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maanta lagu wadaa in ay garaan Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo Caleema-saarka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Cabdiqadir Shariif Sheekuna Maye oo dhawaan ku Guuleystay Xilka Gudoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed soomaliya,
Amaanka Magaalada baydhabo xarunta Gobolka Bay ayaa aad loo adkeeyay waxaa sidoo kale Magaalada Baydhabo shalay Gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya shariif Xasan sheikh aadan,
Dhawaan ayay aheyd Markii Magaalada Baydhabo Lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya kadib doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,

