Macalinka kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa ugu dambeyn waajibaadka dhanka tuurista Kubadaha Gool kulaadka ka qaaday xidiga Riyad Mahrez.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Algeria Riyad Mahrez ayaa kooxdiisa ka qasaariyay Labo Gool ku Labaad kulamadii ay barbaraha la galeen kooxaha AFC Bournemouth iyo Astan Villa Villa.
Macalinka reer talyaaniga oo warbaahinta la Hadlay Maanta ayaa sheegay in Goolashii uu qasaariyay Riyad Mahrez ay Niyada ka jabiyeen Taageerayaasha kooxda oo Mudooyinkii dambe ku fikiriyay in ay u kamid noqdaan kooxaha u sii Tartama Hogaanka, Horyaalka dalka Ingiriiska,

