Ciidamada Amaanka Magaalada Burco oo Xabsiga dhigay Wariye Coldoon

0

Wararka haatan Naga soo gaaraya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa ku waramaya in ciidamada amaanka Maamulka Magaalada Burco ay xabsiga dhigeen wariye C/maalik Muuse Coldoon oo kamid ahaa wariyaasha ka Howlgala deeganka Somali-land.

Ciidamada amaanka Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa goor dhaweyd tagay xarunta uu ka shaqeynayay wariye C/maalik Muuse Coldoon oo kamid ah wariyaasha wax ka qora dhanka arrimaha bulshada isagoona maalmihii dambe baraha bulshada soo dhigayay dhacdooyinka ka hadlaya siyaasada soomaliya ka jirta,

Dhanka kale Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Soomali-land ay kaga Hadlayaan xariga wariyaha,

Suxufiyiinta Magaalada Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa si kulul u cambaareeyay xariga  wariye C/maalik Muuse Coldoon oo kamid ahaa wariyaasha Magaalada burco ugu caansan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here