Daafaca Kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa seegi doono Lugta Hore Copa del Rey quarter-final ay la ciyaari doonaan kooxda Athletic Bilbao kadib dhaawac xalay soo gaaray,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa qeybtii dambe badal lagu sameeyay kadib markii ay kooxda Barcelona 6:0 ay kaga adkaatay kooxda Athletic Bilbao ciyaar xalay ka dhacday Camp Nou,
Kooxda Boqorada Yurub ee Barcelona ayaa shaacisay in xidigaan daafaca Midig ka ciyaara uu garoomada ka Maqnaan doono Mudo 10-bari ah kadib dhaawac soo gaaray,

