Kooxo Hubeysan ayaa Habeenkii xalay ahaa Gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen laba ka mid ahaa askarta Ciidamada Dowladda Somaliya.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Kuweyt, gaar ahaan agagaarka Masaajidka caanka ah ee Sheekh Cabdi Xafiid. Kooxda dilka Fulisay ayaa la sheegay in ay wateen qoryaha daran-dooriga u dhaca iyagoona markii dambe goobta ka baxday sida dadka ay sheegeen,
Dhanka kale Ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa Booliska degmada Dharkinley oo goobta soo gaaray ayaa ka sameeyay baaritaano iyagoona dad badan u qabtay dilka loo geystay labo askari ee ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya,
Wararka qaar ayaa sheegaya in labada askari ee lagu dilay Degmada Dharkinley, ay ka tirsanaayeen ilaalada Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Mudane Axmed Cabdulle Afrax. Wallow uusan maamulka arintaas ka hadlin,

