Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga africa ee Amisom iyo kuwa dowlada soomaliya ayaa dib ula wareegay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Xarakada al-shabaab,
al-shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay Faarujiyay deeganka iyagoona jihoooyin kala duwan ugu baxay deeganka Ceel-cadde. Oo jimcihii ay la wareegeen kadib weerar qorshaysan ay ku qaadeen, deeganka
Ciidamada Kenya oo dib ula wareegay deeganka ayaa la sheegay in ay deeganka ku dileen dad Rayid ahaa oo uu ku jirey nin odey ahaa oo kamid ahaa dadkii ku haray deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Dhanka kale al-shabaab ayaa barahooda ku soo bandhigay saraakiil ay ku sheegeen in ay ka Tirsanaayeen ciidamada Kenya kuwasoo ka sheekeynaya qaabkuu u dhacay dagaalka iyo codsiga ay u jeedinayaan dowlada Kenya,
Saraakiisha lasoo bandhigay waxaa kamid ahaa Sarkaal magaciisa ku sheegay Lawrence Rinui Kamau, oo 30 sano jir ah wuxuu ka dhashay qabiilka Kikuuyada Kenya, halka sarkaalka kale magaciisa uu ku sheegay Isaak Balewa, da’diisu waxa uu ku sheegay 50 sano jir, wuxuu ka dhashay qabiilka Luhya oo kamid ah qabaa’illada Kenya.
Keynya ayaan wali si rasmi ah ugu Hadlin dagaalka iyo qasaaraha kasoo gaaray,

