Daafaca kooxda arsenal Mathieu Debuchy ayaa si cad u sheegay in uu xili ciyaareedkaan diyaar u yahay in uu ka dhaqaaqo kooxda kadib markii uu ka waayay booskiisa joogtada ah,
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka France ayaa booskiisa daafaca midig waayay kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray dhanka garabka waxaana booskiisa kusoo baxay xidiga reer Spain ee Hector Bellerin,
Kooxaha Aston Villa iyo Bayer Leverkusen ayaa ah kooxaha xiiseenaya laacibka reer France oo kooxda arsenal kaga soo biiray kooxda Newscastle United.

