Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose wali waxaa ka Furan shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,
Shirka oo shalay Lagu balansanaa in soo gaba-gabeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed ayaa dib u dhacay kadib markii uu qilaaf soo kala dhaxgalay Madaxda shirka ka qeyb galaysa. oo kismaayo ku sugan,
Warar Hoose oo idaacadda simba ka Halaysa Magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Juba-land ay wali taagan Yihiin mowqifkooda ahaa in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigi nidaamka heerka degmo, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed soomaliya ay qabaan in doorashada laga dhigo nidaamka 4.5, waaana qodobada la isku mari la’ yahay
Dhanka kale waxaa Magaalada Kismaayo gaaray wafuud Caalami ah oo beesha caalamka ka socota oo dooneysa in ay xaliyaan kala arakti duwanaashaha u dhaxeeya Madaxda ka qeyb galaysa shirka,
Wafuuda caalamiga ah ee gaartay Magaalada Kismaayo waxaa kamid ah wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethopia Dr.Tedros Adhanom, Danjiraha urur Goboleedka IGad Maxamed cabdi afey, iyo safiirka imaaraadka Carabta ee soomaliya Danjire Maxamed Cismaan,
Dhanka kale wararka la helayo ayaa Tilmaamaya in shir kale uu ka dhici doono Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,

