Waxaa guud ahaan Maanta dadka Muslimiinta ah ay u dabaal dagayaan maalinka 1-aad ee Ciidul Adxa, dadka sida wayn u dabal dagaya waxaa ka mid ah Mallaayiin Sooomaali ah oo ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisa.
Shacabka Soomaliyed ayaa maanta si isku mid ah u wada ciidaya iyagona Salaada Ciida ku tukaday fagaarayaal waa wayn,degmooyinka iyo deeganada kala duwan ee dalka ayaa lagu arkayaa boqolaal shacab ah oo isku ku soo baxay wadooyinka iyo goobaha loo dalxiis tago.
Madax sar sare oo ka tirsan Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliyo iyo Madaxda Dowlad goboleedyadda dalka ayaa Salaada Ciida latukaday boqolaal shacab ah iyagona kula hadlay fagaarayaasha.
Ciidan ayaa ka duwan ciidihii hore waxayna yihin shacabka Soomaaliyeed kuwa si isku mid ah uwada ciidaya.

