Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd wiil dhalinyaro ahaa waxa ay ku dileen gudaha Suuqa bakaaraha ee magaaladda muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqa Cabdala Shideeyaha gaar ahaan meel ku dhow Masjidul Shuhadaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka wiilka dhalinyarada ahaa waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka dhacay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilka la dilay uu kamid ahaa dhalinyaradda Mobiladda sameysa,balse lama sheegin wax kale uu qaban jirey.
Dhowr jeer oo hore Gudaha Suuqa Cabdala Shideeyaha gaar ahaan mel ku dhow Masjidul Shuhadaa waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad kala duwan.

