Al-shabaab ayaa Degamadda Buula Fulaay ee gobolka Baay, kusoo bandhigay qaar kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka yimaaday maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbed Soomaaliya.
Xafladd lagu soo bandhigay odayaasha ayaa lagu qabtay degmada Buula Fulaay ee gobolka Baay,waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Odayaasha oo gaarayay ilaa 80 xubnood ayaa ka mid ah ergadii aqbashay baaqa towbadkeenka ahaa oo ay Shabab dhawaan u jeedisay odayaasha soo xulay Xildhibaanadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Shabaab ayaa dhawaan Degmadda Buq-Aqable ee Gobolka hiiraan kusoo bandhigay 159-odey dhaqameed oo kala yimid Maamuladda hir-shabeelle iyo galmudug.










