Taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolka gedo Gaashaanle sare Maxamed Cadow Cali Sanka ayaa sheegay inay bilaabayaan dagaal ka dhan ah al shabaabka ku sugan gobolka jubbada dhexe.
Taliyaha oo shalay gaaray magaalada baardheere ee gobolka gedo ayaa sheegay waqtiyadda soo aadan inay bilaabayaan dagaal ciidanka dowlada Somaliya ay kula wareegayaan gobolka jubbada dhexe.
Gobolka jubbada dhexe ayaa ah gobolka kaliya ee alshabaab sida buuxda u maamulo, waxaana ku yaala saldhigyada ugu waawayn ee alshabaab ku leeyihii koonfurta iyo bartamaha somaliya.
Taliyaha guutadda 10aad ciidanka xooga dalka somaliya ee gobolka gado ayaa kulamo amniga la xiriira la qaatay saraakiisha amniga ee gobolka gado iyo kuwa amisom, ayna kawada hadleen qabashada gobolka jubbada dhexe.
Lama sheegin xiliga ay bilaabanayaan dagaalka ay iclaamiyeen saraakiisha ciidanka ee gobolka gedo.

