Jubbaland oo Sheegtay in AMISOM Aysan Saameyn Ku Yeelan Doonin Doorashadda

0

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay doorashadda Jubbaland ka dhacaysa iyo wararka ku saabsan in AMISOM Lagu wareejinaayo amaanka kismaayo.

Waxa uu sheegay madaxweyne Ku-xigeenka in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). iyo Taliyaha amisom ay arintaas kaga hadleen kulan ay ku yeesheen madaxtooyadda Kismaayo.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada kuwaas oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Waxaa kale oo la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here