Dhageyso:- Shir loogu Hadlaayay Nidaam Casri ah oo lagu keydiyo kiisaska oo Muqdisho ka Furmay

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmay shir loogu Hadlaayay qaabkii loo sameyn lahaa nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska loo keeno xeer ilaalinta dalka.

Shirka waxaa ka qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr axmed Cali Daahir, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobbe,  iyo Wasiirka Cadaaladda xukuumadda soomaliya Mudane Cabdulaahi Ilka Jiir.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr axmed Cali Daahir oo shirka Furay ayaa sheegay in muhiimada gaar ah u leeyahay xeer ilaalinta dalka. In la sameeyo nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska madaama ay maalin walba dalka ka dhacaaan dhacdooyin kala duwan,

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobbe oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in qiimo u leeyahay hanaanka garsoorka dalka, hadii la sameeyo nidaam casri ah oo lagu keediyo kiisaska dalka,

Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdulaahi Ilka Jiir oo gaba-gabada kulanka ka hadlay ayaa Tilmaamy in ahmiyadda gaarka nidaamkani u leeyahay cadaaladda iyo garsoorka dalka,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here