Al-shabaab ayaa soo bandhigay qaar kamid ah Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo shabaab iska diiwaangaliyay dhawaan.
Odayaasha oo la sheegay in ay toobad keeneen ayaa ka tagay deegaannada ay ka arrimiyaan maamullada Hirshabelle iyo Galmudug waxayna gaareen Goboladda Shabaabka ay maamulaan.
Kulamo u dhaxeyay Mas’uliyiinta Al-shabaab iyo odayaasha ayaa ka dhacay degmada Buq Aqabla ee gobolka Hiiraan waxaana halkaas towbada loogu qabtay illaa 86 oday.
Mas’uuliyiin katirsan Shabaab ayaa ka qeyb galay kulamadii towbada loogu qabnayay Odayaasha waxaana kamid ahaa mas’uuliyiintaas Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Sh/dhexe, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan Gudoomiyaha Shabaab ee Mudug.
Al Shabaab waxay sheegtay in ay cafis u fidisay Odayaasha towbad keenay ee lagusoo bandhigay degmada Buq Aqable.
Maamulka Hirshabelle waxaa ka yimid 53 Oday halka maamulka Galmudug ay ka yimideen 33 Oday dhaqameed oo dhammaantood kamid ahaa kuwii soo xulay Xildhibaannada baarlamaanka DF-ka.
Qaar kamid ah odayaashii lagusoo bandhigay degmada buq Aqable ayaa u mahad celiyay Xarakada Al Shabaab soo dhoweynta diirran ee ay usameysay waxayna ballan qaadeen in haddii ay ku laabtaan deegaannadii ay ka yimideen ay dadka ku baraarujin doonaan ku dhaqanka shareecada islaamka.














