General Galaal:-“Jawaan Ciid Lagu Shubay iyo Dhagax Amni Ma Sugaan”,+Dhageyso

0

General Axmed Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Somalia oo lahadlay Radio Simba ayaa sheegay in madaxda qaranka soomaaliya qaabka ay u wajahayaan amniga uu yahay qaab qaldan oo aan waxba soo kordhinaynin.

Waxa uu sheegay wasiirka arrimaha Gudaha ,wasiirka amniga, Allah u naxriistee Godoomiyihii geeriyood Eng-c-raxmaan cumar cismaan yiriisow,Taliyihii Nabad sugida  Sambalooshe iyo saraakiil ka tirsan Booliska soomaaliya ay talooyin siiyen balse nasiib daro dhamaantoodaba ay qadan waayeen talooyinkii uu siiyey.

Generaal Axmed Nuur Galaal ayaa til maamay in jawaan ciid lagu shubay iyo dhagax meel la dhigay aan amni sugeynin balse loo baahan yahay istaraatiiji loo dejiyo laamaha amaanka Gobolka Bnaadir.

Dhanka kale General Axmed Nuur Galaal oo sii hadlayey ayaa sheegay in qaab dhis meedka Booliska soomaliya iyo laamaha amaanka soomaliya ay yihiin kuwo qaldan qaladkaas Badankii ka tagey Gumeystihii taliyaaniga, qaladka labaadna uu yahay aqoon la,aanta lagu dhisay hay,adaha amaanka Gobolka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here