War haatan nasoo garay ayaa sheegaya in dib udhac uu ku yimid Diyaaraddii soo qaadi laheed Meydka Alle ha unaxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow oo dhawaan dhaawac ka soo gaaray Qaraxii xarunta golka ugu geeriyooday magaalada Dooha ee dalka Qadar.
Meydka marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa maanta lagu waday in laga soo qaado maagalada Dooxa ee dalka Qadar sida ay shalay shaaciyeen Xubno ka tirsan masuuliyiinta loo xilsaaray aaska qaran ee loo sameenyo, waxaana sida qorshaha ahaa aas qaran loogu sameyn rabay magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray masuuliyiin ka kala socota dowlad goboleedyada dalka qaar kuwaasi oo ka qeyb galaya aaska qaran ee loo sameyn rabo marxuum Yariisow.
Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeyay waxaana xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah iyadoona lagu arkayo ciiidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo ammaanka siwayn usugaya.

