Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir oo siwayn loo adkeeyay

0

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Mahad Alle ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobolka  ayaa ka hadlay ammaanka xarunta , waxuuna sheegay in isibadal wayn lagu  sameenayo ammanka xarunta.

Guddoomiye Ibraahim Mahad Alle ayaa  sheegay in aad loo adkeeyay  ammaanka xarunta  uu ku shaqeeyo Maaamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan ka dhacay Qarax sabayay qasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray mas’uuliyiin sar sare.

Ibraahim Mahad Alle ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanada Qaraxii 24-kii ka dhacay xarunta maamulka Guddoomiye, silamarkaana ay laamaha amniga ay dhawaan soo bandhig doonan warbixin dhameystiran.

Sidookale Guddoomiyah ayaa sheegay in shaqooyinki ka socday xarunta ay dib ubilaabmeen islamarkaana ay caadigoodi ku soo laabtey.

Xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo ah goob si wayn loo adkeeyo amaankeeda aya todobaadkii hore waxaa ka dhacay Qarax ismiidaamin ah kaasi uu waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay  soo gaareen masuuliyiin uu ka mid yahay Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow oo haatan xaaladiisa caafimad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaala magaalada Dooha ee dalka Qadar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here