Dagaal geestay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay tulooyin hoostaga degmada Xudur,sida oo ku soo waramayo Wariyaha Idaacada Simba ee gobolada Baay iyo Bakool.
Dagaalkan ayaa udhaxeeyay dagaalyahano ka irsan Al-shabaab iyo ciimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo daacad u ah Shiiq Muqtar Roobow Cali abuu Mansuur.
Ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa Muqtaar Roobow ayaa la sheegay in hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadeen deegaano iyo tuulooyin hoostaa degmada Xudur, waxaana la sheegay in dagaalka oo sidaaasi ku imaaday.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ahaa mid xoogana, waxayna Saraakiisha cidamada Koonfur Galbeed ka sheegteen gooolo inay kaga gaaareen dagaalkan islamarkaana ay Al-shabaab kala wareegen deegano iyo tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee Gobolaka Bakool.

