Mahad Guuleed:-“Madaxda iyo Shacabka SL Kama Mideysna Kala Tagidda”,+Dhageyso

0

Gooni isu taagga iyo aqoonsi doonka Somaliland ayaa taagan muddo ku dhow 30 sano, waxaana dhanka kale Dowladda Federaalka Somalia wali ay wadaa dadaalo lagu mideynayo Somalia iyo Somaliland.

Dowladda Somalia ayaa dhowr jeer wadahadallo ugu baaqday maamulka Somaliland si loo mideeyo Somalia meeshana looga saaro tabashada Somaliland.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka dhawaajiyey in dadka ku nool Somaliland iyo madaxdoodaba aysan ka mideysneen aragtida ah kala tegidda Somalia iyo Somaliland.

Waxa uu xusay ra’iisul wasaare ku xigeenku in dunidu ay aqoonsatay hal dal oo ah Somalia waxa uuna intaas raaciyey in dadka reer Somaliland ay ku safraan passport ka Somalia waxbarashada dibaddana ku aadaan saxiixa iyo shahaadada wasaaradda waxbarashada Somalia.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ah ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa ugu baaqay dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland in ay ka dhambeeyaan wada hadallada labada dhinac ee lagu xalinayo khilaafka taagan si meesha looga saaro gooni isu taagga Somaliland.

Dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer yeeshay wadahadallo lagu xalinayo muranka ka dhaxeeya labada dhinac, balse kulamadaas ayaa noqday kuwo fashilmay oo aysan waxba kasoo bixin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here