Shil sababay Khasaare kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Isgooska Hawlwadaag ee magalada Muqdsho ayaa sheegaya in halkaasi uu Duhur nimadii maanta  ka dhacay shil gaari oo sababay qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Goobjoogayaal ku sugan Isgooska Hawlwadaag ayaa Idacada Simba ee magaalada Muqdisho usheegay in gaari Caasi ah uu jiiray Mooto Bajaaj islamarkaaana Darwalkii mootada oo geeiyooday.

Sidookale waxaa la sheegay in Darwalkii ka xeenayay gaariga Caasiga ah oo kadib shilka iskaga baxsaday goobta, waxaana soo gaaray halka uu shilka ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliisa Soomaaliya oo ku sugnaa meel aan sidaasi kaga fogeen Isgooska Hawlwadaag.

Darwalkii ka xeenayay Mootada Bajaajta  ee ku geeriyooday shilka ayaa loo qaaday xarunta danbi barista ee CID, waxyna laamaha amniga ay sheegen inay baaris ku sameyn doonan wxyaabaha sababay shilkaan qasraha sababay.

Intabadan magaalada Caasimad ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca shilal sababa qasaare kala duwa waxaana loo aneya darwaliinta kaxesa gawaarida oo xirfadooda yartahay iyo laamiyada oo aad ubur bursan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here