Dad ku dhintay shil Diyaaradeed oo dhacay

0

Ugu yaraa 18 qof ayaa dhimatay kadib markii diyaarad uu leeyahay military ga dalka Pakistan ay ku burburtay xaafad ka tirsan magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistan, sidaas waxa sheegay sakaaliil u hadlay kooxaha badbaadada.

Shan qof oo saarna diyaaradda iyo 13 qof oo shacab ah ayaa dhintay sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay kooxaha badbaadada, 12 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkan.

Diyaaradda burburtay ayaa aheed diyaarad military waxaana ay ku dul dhacday guryo fara badan.

Magaalada Rawalpindi ayaa aad ugu dhow magaalada caasimadda u ah dalka Pakistan ee Islamabad, waxaana ku yaallo xarumo ciidan.

Ra’iisul wasaaraha Pakitan ayaa tacsi udiray dadka ku dhintay shilkan, sidookale waxaa oo caafimaad urajeeyay dadka kale ee ku dhaawacmay

Sikastaba ha ahaate wali ma caddo waxa sababay shilkan diyaaradeedee ka dhacay dalka Pakistan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here