Waaxda caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay soo xirtay labo wiil oo qaxooti somali ah kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku qorsheynayeen u safridda dalka Masar si ay ugu biiraan dagaalyahanada ISIS.
Ahmed Mahad Mohamed, oo 21 jir ah iyo Abdi Yemani Hussein oo 20 jir ah ayaa ku noola Tuscon oo ka tirsan Arizona, waxa ayna qorsheynayeen inay iska qoraan gacanka Sinai ee dalka Masar si ay ugu biiraan ISIS ayaa lagu yiri gal dacwadeed la hor geeyey maxkamadda federaliga ah ee gobolka Arizona.
Waxa ay u sheegeen wakiil qarsoon oo ka tirsan FBI da Mareykanka balse ay aaminsanaayeen iyagu inuu ka tirsan yahay taagerayaasha ISIS in ay doonayaa inay dilaan dad fara badan oo ay kamid yihiin madaxda gaalada si ay sumcad ugu yeeshaan dunida.
“waxaan ahay abu jihad, sidaas ayuu magaceygu yahay,” ayuu Hussein u sheegay wakiilka bishii June sida ku cad eedeynta.
Labada wiil waxa lasoo xiray jimcihii iyagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Tuscon kadib xaqiijin lagu sameeyey duulimadkooda qaahira.
Ahmed Mahad Mohamed ayaa heystay deganaashiyaha Mareykanka kadib markii uu qaxootinimo ku galay dalka Mareykanka isagoo ka tagay Somalia.
Abdi Yemani Hussein ayaan wali helin deganaanshiyaha Mareykanka waxa uuna kamid yahay qaxootiga ku nool Mareykanka.
Ahmed Mahad Mohamed oo kamid labada wiil ee la xiray ayaa bishii August ee sanadkii hore baraha bulshada ku muujiyey rabitaankiisa ku aadan u safridda dalalka Syria ama Masar si uu ugu biiro ISIS oo uu shahiido.
Labada wiil Waxaa lagu eedeeyay inay maleegayeen inay taageero muuqato u fidiyaan urur argagixiso oo ajnabi ah waxaana la sheegay inay wajihi karaan ciqaab dhan 20 sano oo xarig ah.

