Wafdi ka socda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya oo is kugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo deegaan doorashadeedu ay tahay deegaanada Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta waxa ay ku wajahanyihiin Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland si ay uga qeyb galaan munaasabada 1-August oo ah markii dhidibada loo taagey maamulka Puntland.
Dowlad goboleedka Putland ayaa udabaal dagaysa 21 sanad guradii ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay, waxaana magaalada Garowe ku sii qul qulaya masuuliyiin ka tirsan dowlada dhaxe oo ka qeyb galaya dabaalada munaasabadaasi.
Dhinaca kale Wasiirka amniga Dowlad goboleedka Puntland C/samad Gallan ayaa soo saarey awaamiir lagu adkeynayo amniga guud ee deeganada Putland oo maaalimta Khamiista a ay ka dhci abaan munaasabado ogu dabaal dagayo markii dhidibada loo taagay Putland
C/samad Galan ayaa ciidamada ammniga Puntland ku amray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo la xiriira amaanka, sidookale waxuu ku faray inay gutaan waajibadka saaran.
Dowlad goboleedka Putland ayaa la aasaasay 1 Augoust 1998 waxaana sanad walba a dhaca degmooynka iyo deeanada Putland musabadao waa waayn.

