SAWIRO: Guddoomiyaha golaha Shacabka oo Madaxwynaha Putland kala hadlay sidii loo xalinlaha khilaafka kala dhaxeya Dowlada Soomaaliya

0

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweynaha maamul Goboleedda Puntland, Siciid C/llaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa waxay iska xog wareysteen xaaladda guud ee Dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada oo xubin ka ah Dowladda dhexe.

Sidookale Guddoomiye Mursal ayaa kala hadlay madaxda Dowlad goboleedka Putland sidii loo xalin lahaa madmadowka soo kala dhexgalay iyaga iyo madaxada ugu sareya Dowlada dhaxe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa ugu Mahad celiyey Guddomiyaga Golaha Shacabka , Mudane;  Maxamed Mursal Iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen Puntland, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa kula dardaaramay Shacabka Puntland iyo Madaxdooduba in ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen horumar kan kasii ballaaran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here