Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Xaaladda Gudoomiye Yariisow

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Xaaladda Caafimaad ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), iyo dhaawacyadda kale ee la geeyay Magaaladda Doha ee Dalka Qadar.

Danjiraha Dowladda Federalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda dhaawacyadda la geeyay Qatar ay wanaagsan yihiin uuna ku jiro Gudoomiye Yariisow.

Waxa uu sheegay in isbitaalka Magaaladda Doha la jiifiyay 12 ruux, balse bukaan ka mid ah dadkii waxyeelada ay soo gaartay uu halkaasi ku dhintay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Safiir Taano in qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii KM5 islamarkaana gubtay uu ku geeriyooday Isbitaalka Magaalada Dooxa,wuxuuna magaciisa ku sheegay maxamed Cismaan Cali kaas oo goob basiin agtaagnaa markii uu qaraxa dhacayay sidaasna ku gubtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here