Diyaarado Ciidamo Sida oo Loo Diiday in ay Ka Dagaan Cadaado

0

Wararka ka imaanaya magaalada cadaado ee mamulka galmudug ayaa sheegaya laba diyaaradood oo siday ciidan in laga celiyay garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Diyaaradaha oo siday ciidan tiradooda lagu qiyaasay 200 oo askari ayaa wararku sheegayaan inay ka baxeen magaalada muqdisho waxaana loo diiday inay ka dagaan garoonka diyadaha cadaado, sababo la xiriira inay dadka reer cadaado doonaynin ciidan laga qaaday muqdisho in lageeyo cadaado.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya ciidanka loodiiday inay ka dagaan cadaado inay yihiin kuwo shalay loo diiday inay ka dagaan magaalooyinka dhusamareeb iyo guriceel oo ay ka arimiyaan ciidamo aad ugu dhow wadaadka hogaamiyo dariiqada ahlu suna ee ku xoogan gobolada dhexe ee somaliya.

Waa malintii labaad ee diyaarado siday ciidamo dowlada somaliya ay doonayso inay gayso deeganada galmudug ay ku guul daraysanayso, waxaana muuqanaysa khilaaf bahsan inuu hada ka muuqdo wafdiga ra’iisalwasaare khayre iyo dadka reer galmudug u dhaxeeya inuu jiro, waxyaabaha la isku fahmi la yahayna ay tahay qaabka laga yeelayo dib uheshiisiinta dadka daga deeganada galmudug.

Siyaasiyiinta iyo dadka indha indheeya xaalada galmudug ayaa arinta galmudug ka muujinaya walwal qaabka ay dowladu u wajahayso hanaanka dib u heshiisiinta dadka daga deegaanada Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here