Wararka inaga soo gaaraya magaalada Doha ee dalka Qadar oo dhawaaan loo daad gureeyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii todobaadkii hore ka dhacay magaaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in mid kamid ah dhawacyadii halkaasi lageeyay oo ugeeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka mid ah masuuliyiinta horay uraacay dadka dhaawacyada ahaa ayaa sheegtay in mid kamida 12kii ruux ee dhaawacyadooda lageeyayay dalka Qadar uugeeriyooday.
Wasiirad Khadiija ayaa sheeegtay in Maxamed Cusmaan Cali oo ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay maalintii Isniinta agagaarka Km4 u ugeeriyooday dhaawacii soo gaaray oo ahaa mid aad ucuslaa labadii maalin aynu ka soo gudunayna lagula tacaalayay Isbitaala Hama doo ku yaala magaalada Dooha eedalka Qadar.
Maxamed Cusmaan Cali ayaa la sheegay in dhaawaciisa oo aad ucuslaa islamarkaana ay gubteen qaar ka mid ah xubnaha jirkiisa waxuuna kamid ahaa tobaneeyo ruux oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen Qaraxii ka dhacay bar koontarool oo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin meel aan sidaaasi kaga fogeen isgoyska Km4 ee Maaladda Muqdisho.
Sikastabe ahaate magaalada Dooha ee dalka Qadar ayaa wali waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya masuuliyiin uu ka mid yahay Duqa mushqdisho Eng Cabdraxmaan Cusmaan yariisow kuwaasi oo ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobollka Banaadir.

