Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen 10 askari oo Burundi ahaa

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Burundi oo marayay wadada u dhexaysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololeey ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Weerarka jidka galka ayaa la sheegay in khasaare lagu gaarsiiyay ciidamadda Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay warbaahintooda ku baahiyeen.

Taliska Ciidanka Al Shabaab ayaa warbaahinta Shabaab u sheegay in weerarkaas lagu gubay ugu yaraan saddex gaari ah oo ay ku jiraan gaadiid dagaal iyo baaldoozarro, halka sidoo kalena ay si dirqi ah ku baxsadeen gaadiid kale oo dhowr ah.

Saraakiil u hadlay Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo Burundi ah kuwaas oo qaarkood looga cararay goobta lagu dagaalamay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here