Waxaa saakay dagan xaaladda deegaanadda gobolka sanaag oo shalay diriri ku dhex martay ciidamada soamliland iyo kuwo uu hogaamiyo korneelka lagu magacaabo caare kaasoo mudooyinkaan dambe dirir kula jiray somaliland.
Dagaalka oo shalay ka bilowday deegaanka lagu magacaabo maxaas oo hoos yimaada magaalada ceerigabo ayaa waxaa labada dhinac soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhawac isugu jira.
Afhayeenka ciidamada uu hogaamiyo korneel caare Zakariye nuur cabdullahi oo ka hadlay khasaaraha uu dhaliyay dagaalkii dhexmaray somaliland iyo ciidanka caare, waxuu sheegay dhinacooda aanu soo gaarin khasaare badan dhimashada dhinacooda uu yahay 1 askari, dhinaca soomali-land ayuu dhimashadu inay gaarayso ku dhawaad 20 askari, iyo khasaaro ay gaarsiiyeen 4 baabuur oo somaliland laheed.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay habeen hore ciidanka korneel caare isku dayeen inay tagaan deegaano horleh, waxaana dagaal kala horyimid ciidanka somaliland.

