Muddo 8 Bilood ah ayaa laga jooga markii ay dowladda soomaaliya magaalada baydhabo ka soo xirtay Hogaamiyihii hore Ee Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur). XIligaasi oo ahaa musharax madaxweyne ee KGS.
Xariga muhtaar ayaa xiligaasi loo arkayay mid ay dowlada ku hor istaagasay musharax Nimada mukhtaar balse waxaa loo dhaadhiciyey xabsiga.
Xilibaanada KGS ayaa hada sheegay in roobow aanana meel lagu ogeyn nolal iyo geeri mudo 8 bilood ah.
Xildhibaan Maxamed Macalin aadan Oo kamid ah Xildhibaanadda KGS oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in arinta Roobow xitaa madaxweyne lafta gareen anan waxba ka ogeyn Balse keliya la weydiin karo Farmaajo iyo Kheyre maadaama ay labadooda heystaan.
Mar uu ka hadlayey xaalada caafimaad ee roobow ayuu sheegay in warar la xiriira xanuunka Roobow uu soo gaaray Balse aysan garan garin waxyaabaha dhabta ah ee ka jira maadaama uu sheegay in aysan jirin cid KGS ah oo Muktaar meel ku sheegi Karto.

