Ugu yaraan 6 Qof ayaa ku geeriyootay deegaanka Nuukaay oo u dhow Magaaladda Jowhar ee Xarunta maamulka Hir-shabeele.
Gudoomiyaha deegankaasi Axmed C/raxmaan Cabdi oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho, ayaa sheegay in dhimashada dadkaasi ay sababtay xanuunka maleeriyada oo uu sheegay in deegaankaasi uu dhibaato weyn ku hayo.
Gudoomiyaha deegankaasi Axmed C/raxmaan ayaa tilmaamay in deegaankaasi uusan laheyn wax xarumo caafimaad ah sidaasina dadkii ay u dhamaanayaan daawo la,aan iyo daryeel xumi.
Madaxda Maamulka Hir-shabeele ayuu ku eedeeyey in ay gacmaha ka laabteen wax u qabashada shacabka Beeraleyda ah ee ku nool Deegaanka Nuukaay ee Gobolka shabeelaha dhexe.

