Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta maamulka Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka ciidanka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Idaacada Andalus u sheegay ‘in Shabaab’ ay howlgal si heer sare loo abaabulay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaas oo ay ku dileen dad fara badan oo mas’uuliyiin u badan.
Waxa uu sheegay in bartilmaameedku ahaa madaxa UN u jooga Soomaaliya, ninka lagu magacaabo James Swan, kaasoo halkaas uga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

