Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Haweeney ay fulisay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Xarunta Maamulka Dowladda Hoose ee Gobolka banaadir.
Saraakiisha Booliska ayaa laga soo xigtay in qofka qaraxa fuliyey ay ahayd Haweeney la socotay Gabar Indhoole ah oo Maamulka G/Banaadir u qaabilsaneyd arrimahaDadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, iyadoo isu muujisay inay kaalmeyneyso haweeneyda Indhoolahaahayd oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiye Yariisow si ay arrimaha naafada ugu qaabilsanaato.
Dhanka kale Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Amniga Mohamed Tuulah oo aan isagu tegin shirkii Amniga ee shalay la qarxiyey ayaa sheegay in haweeneyda la tuhunsan yahay loo fududeeyay inay gasho xarunta maamulka Gobolka banaadir,islamarkaana baaritaan uu socdo si loo ogaado wixii dhacay.
Qaraxii shalay ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ku dhintay, Gudoomiyihii Degmada Shangaani, Sahra Maxamed Amiin (Sahra Markeyzi),Abukaate Xasan Maxamed Sabriye, oo ahaa La-taliyihii Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye,Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/laahi Dheere, Gudoomiyihii Degmada Waaberi, Mahad Cilmi iyo Gudoomiyihii Degmada C/casiis, Sabaax C/laahi Maxamed.

