Kadib Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xakuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in liiska Magacyada odayaasha lasoo saaray eeysan aheyn kuwii saxda ahaa
Hadaba iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa markale ka soo horjeestay Liiska odayaashaas oo la sheegay in uu soo xulay Madaxweynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam axmed madoowe Musharaxiinta Tartanka adag kula jira MW axmed islaam Oo doonayo in uu markale kursiga ku soo laabto .
Musharaxiinta ayaa tilmaamay in aysan suurta gal aheyn in Qof musharax ah Uu soo xulo Odayaashii dooran lahaa Xildhibaanadda cusub ee la doonayo in ay soo doortaan Hogaamiyaha maamulka Jubbaland.
Pro Cabdiraxmaan cabdulaahi Oo Wareysi siinayay Barnaamijka Brtilmaameedka ee ka baxa idaacada simba kuna sugan magaaladda kismaayo ayaa sheegay in MW axmed madoowe looga baahan yahay in uu udaneeyo dadka shacabka ah ee ka soo jeeda maamulada jubland
Waxa uu sheegay in musharaxiinta ay dowlada soomaliya ay ku taageersan yihiin qadacitaankii ay qaadaceen Magacyada liiska odayasha soo xulay Xildhibaanadda cusub ee maamulka Jubbaland.

