Ala ha u naxariistee Gudoomiyeyaashii degmooyinka Cabdicasiis Sabaax Asad iyo Gudoomiyaha degmada Waabari Mahad Cilmi ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii galabta ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka gobolka banaadir.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Agaasimihii Nadaafada Gobolka Banadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane iyo Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdulahi Dheere.
Lababadda Mas’uul ayaa kamid ahaa xubno ku sugnaa xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir oo galabta shir ku lahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka.
Sidoo kale waxa ay dhaawacyo ay soo gaareen Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ,Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Basmo Caamir iyo xubno kale.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan.




