Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay eedeenta loo jeediyay Dowlada Qadar ee ku aadan in ay ka dambeysay qaraxii ka dhacay magaaladda Boosaaso bishii May, iyo Dilkii Maareeyihii Dekadda magaaladaas.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hadlayay arintaas waxa uu sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya uu la wadaagay Dowladda Soomaaliya warbixinta la xiriirta Newyork Times iyo eedeymahaasi, wuxuuna wasiir cawad uu xusay in warbixintoodi ay ku adkeynayaan Qatar in aanay waxba kajirin warkaasi la baahiyay,sidoo kale Qatar ay u xaqiijisay in arrintaasi baaritaano dhab ah ay ku sameynayaan.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Qatar ay si wanaagsan arintaasi uga wada hadleen,islamarkaana Qatar ay Caddeysay in aysan ka dambeyn Qaraxa lagu eedeeyay.

