Cali Seeko:-“Farmaajo Ma Diidano,Xildhibaanadda ayaa diidan Maqaamka”.+Dhageyso

0

Muranka ku aadan Maqaamka Gobolka Banaadir ayaa taagan in muddo ah, iyadoo sanadihii lasoo dhaafay ay dalka soo mareen dowlado dhowr ah oo isugu jira KMG iyo Rasmi kuwaas oo dhamaantood ku fashilmay inay meel mariyaan maqaamka Gobolka Banaadir.

Siyaasi Cali Faarax Seeko oo horey xubin uga soo noqday baarlamaankii sideedaad ee dalka ayaa dib u dhaca iyo meel marin la’aanta maqaamka gobolka Banaadir ku eedeeyey baarlamaanka Somalia.

Siyaasigu waxa uu sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan maqaamka gobolka Banaadir kuna daraan sharciyada ay faafinayaan iyagoo tilmaamayo sida maqaamkiisa loogu heli karo gobolka Banaadir iyo waddada ay tahay in loo maro.

Mr Seeko waxa uu meesha ka saaray in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo madaxweynaha Farmaajo ay ka dambeeyaan dib u dhaca maqaamka gobolka Banaadir iyo inay u diidan yihiin inuu yeesho maamul ku yimaado doorasho.

Todobaadyadii lasoo dhaafay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo uu hogaaminayo xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa waday olole ku aadan in maamulka gobolka banaadir uu ka madax banaanaado Villa Somalia kuna yimaado doorasho dadweyne.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here